Madaafiic hoobiye yaal ah oo xalay lagu garaacay xaafad u dhaw madaxtooyada Somalia

Lix ruux oo u badnaa dad barakac ah ayaa ku dhintay shan kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki ay madaafiic hoobiye yaal ahaa ku habsadeen xero ay ku nool yihiin dad barakac ah oo ku taalo agagaarka Dugsigi 15-ka May ee degmada Wardhiigleey.

Madaafiicda oo ilaa iyo iminka aanan la ogaan halka ay ka timid ayaa mid ka mid ah ku habsaday qoys barakac ahaa oo ku noolaa inta u dhaxeyso xarunta degmada Wardhiigleey iyo 15-ka May, waxaana ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska iyo laba gabdhood oo ay dhaleen sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka degmada Wardhiigleey.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Wardhiigleey Maxamed Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa dadki u gurmaday shanta ruux ee ku dhaawacantay weerarkaasi oo dhacay xalay abaaro 2:00 habeenimo ee saqdi dhexe ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay dhimashada lix ruux.

Mas,uulkan ayaa sidoo kale sheegay in laba kale oo aanan wax qasaara ah geysan ay ku dhaceen meel aad ugu dhaw salka danbe ee madaxtooyada Soomaaliya qeybta soo xigto dhanka Wardhiigleey.

Su,aasha ay dadka reer Muqdisho saakay is weydiinayaan ayaa ah halka ay ka yimaadeen madaafiicdaasi, xilli dowlada KMG Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in ay gacanta ku wada dhigtay amniga caasimada.