Madaafiic caawa lagu weeraray Garbahaareey

Al Shabaab ayaa caawa madaafiic ku weerartay tiro madaafiic ah magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, madaafiicda oo aheyd hoobiyaal aya waxa mar qura laga maqlay magaalada caawa fiidkii saacadu marki ay ku beegneyd 7:00 waxaana qaarkood ay ku dhacday xaafado dad rayid ah ay daganyihiin.

Ilaa iyo 3 ruux oo rayid ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen madaafiicdaasi, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ayba jirto qasaaro dhimasha ah oo ay sababeen duqeymaha.

Ciidamada dowlada ayaa iyaguna ugu jawaabay jihada ay kaga timid duqeynta madaafiic hoobiye yaal ahaa, hase yeeshee lama oga qasaaraha ay geysteen.

Xaalada ayaa caawa qasan, waxaana duqeymahan ayaa kusoo beegmeen xilli maanta ay magaalada ka dhaceen qaraxyo sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca dad ka badan 10 ruux oo isugu jiray rayid iyo askar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.