Macalin Wenger: Arsenal waa in ay hurdada ka toostaa

Kadib marki laga badiyey labadi kulan ee horyaalka Ingiriiska isla markaana ay Axada soo aadan ku marti gelin doonto garoonka Emirates kooxda Manchester United ayuu macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ku dhiiri geliyey xidigahiisa in ay hurdada ka toosaan.

Waxa uu doonayaa in uu beeniyo hadal heynta taageerayaasha kooxda oo markan oo sheegaya in kooxda aysan sanadkaan ka qeybgali doonin koobka Champions League oo ay ugu danbeysay in ay ka harto mudo 14 sano ah.

Kooxda The Gunners ayaa rajeyneysa in ay soo gaarto booska afraad, waxa mar jirtay in ay rajo ka qabtay in sanadkaan ay qaado horyaalka, hase yeeshee bishi August ayey taasi dhimatay marki ay ku habsadeen guuldarooyin.

Waxaa ugu darneyd magac dilki ay ku sameysay United oo ku cuntay 8-2waxay aheyd guuldaradi ugu xumeyd ee soo gaarto abid kooxda Arsenal.

Hada wuxuu doonayaa in uu is badal sameeyo isla markaana uu ka badiyo ama ilaa xad aanan la gaar siin dhaawacaasi aadka u xun oo kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.