Maareeyaha Dakada Muqdisho oo lagu amray inuu shaqada joojiyo

Maxkamada sare ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in shaqada laga joojiyo maamreeyaha Dakada Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho kadib warqad maanta kasoo baxday.

Wareegtadaan oo uu ku saxiixnaa ku xigeenka Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Cali Yare ayaa ku amareysa Wasaarada Dakadaha iyo Gaadiidka in ay ka joojiso shaqada Maareeyaha Dakada Sayid Cali macalin Cabdulle oo ay sheegtay in hada ay ku socoto dacwad.

Maxkamada Sare ayaa sheegtay in Mr Cali Yare loo heysto lacago malaayiin shilin Soomaali ah oo uu lunsaday, taasi oo laga aruuriyey iskaashadata gaadiid leeyda magaalada Muqdisho.

Waxa kale oo lagu eedeeyey mas,uulkaan musuq maasuq iyo adeegsida qabyaalad sida lagu qoray warqada kasoo baxday maxkamada sare.

Lacagaha lagu eedeeyey ayaa la sheegay in ay ku dhacday akown gaar ah halka laga rabay in uu ku shubo akownka uu bankiga dhexe ee dowlada ku leeyahay dakada, waxaana lacagtaasi marki hore loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha.

Ma jirto wax war ah oo wali kasoo baxay maareeyaha Dakada Sayid Cali Macalin Cabdulle oo ku aadan eedeynta loo soo jeediyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.