Maanta waxay ku beegantahay maalinta Saxaafada Soomaaliyeed

Maanta waxay warfaafinta Soomaaliyeed u dabaaldagasaa “Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed” iyadoo ku soo aadeysa xilli aad u adag oo ay naga saarantahay waajib dhamaanteen, gaar ahaan Warbaahinta iyo wariyayaashaba sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni, loogana xureyn lahaa argagixisadda dhibaatada badan gaarsiiyay.

Munaasabadaan muhimka ah, Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta, Boostada & isgaarsiinta ahna sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta, Mudane C/laahi Bille Nuur waxaa uu hambalyo u diray dhamaan warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha warfaafinta, wasiirka ayaana yiri “Waxaa farxad ii ah inaan idiinkugu hanbalyeeyo maanta waxaanan idiin rajeyn idinka iyo qoysaskiinaba nabad iyo horumar”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Xukuumada Soomaaliya waxaa ay uga mahad celinaysaa warfaafinta soomaaliyeed iyo warfidiyeenka dowrkii ay ka qaateen nabadda, iyagoo shacabka soomaaliyeed u soo gudbinayay warar la hubo kuwaas oo qaarna farxad xajmbaarsanaayeen qaarna murugo”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Anigoo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii ku waayay naftooda muddadii ay soomaaliya ku jirtay dhibaatada iyo dagaalka, iyagoo dadaal ugu jiray sidii ay shacabkeena u gaarsiin lahaayeen warar xaqiiqa ah oo aan dhana u janjeerin”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Wasaaradda Warfaafintu waxa ay dadaal badan u geli doontaa sanadkaan sidii loo sii kobcin lahaa kartida warfaafinta soomaaliya tan dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba iyadoo lagu taageerayo tababar iyo qalab intaba, waxaana sidoo kale la hormarin doonaa xeerarka saxaafadda kuwaas oo u suurta gelin doona in Warfaafintu u shaqeyso si xor ah, faragelinna ka maran”

Dhamaad

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.