Maanta oo Si Toos ah loo Bilaabay Dhigida Cowska Macmalka ah Garoonka Kubada Cagta Koonis Sawirro

Waxaa Maanta si toos ah loo bilaabay in la dhigo Cowska Macmalka ah Garonka Kubada Cahta ee Sdium Koonis, kaasoo ku yaala Degmada Qadiimiga ah ee C/casiis.

Shaqada Maanta Bilaabatay ayaa ah midi ugu farxada badneyd Isboortiska Soomaaliya 20 ki sano ee la soo dhaafay, waxaana farxadaasi laga dareemayaa Ciyaartooyda ciyaara Kubada cagta, oo iyagu kala kulmi jiray dhib badan sida inay Jilbaha ka murxaan ama boorka ay la ciyaari waayaan.

Xiriirka Kubada cagta ayaa tilaabo wanaagsan qaaday, iyagoo hada wada inay dhigida Cowska macmalka ah Garoonka Kubada Cagta Koonis.

Masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubada cagta oo hada ku sugan gudaha Garoonka Koonis ee shaqadu ka socoto ayaa sheegay in dhaqaalo xoogan ay ku bixiyeen Garoonka,taasoo gaareysa 5 Milayan oo doolar.

Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa hada ka damba la qabsan doonta marka ay tagaan caalamka, maadaama ay marki  hore ku ciyaari jireen meel aan la mid ahayn meesha ay ku ciyaaraan, balse hada ka dambo ayaan rajeyneynaa in ciyaartooyda Soomaaliyeed ay wax ka badali doonaan qaab ciyaareedkooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here