Maanso ”MIDNIMO”

Cabdicasiis Axmed Barrow
Cabdicasiis Axmed Barrow

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnimo.com, waxaan u soo gudbineynaa Maanso ka hadleysa Midnimada.

Waxaa noo soo diray Maansadan Abwaan Cabdicasiis Barrow.

Wuxu yiiri:- Duul wada qaxootiya

Qarankooda neceboo

Qaxa jecel dan moodoo Nabaddiina qoonsaday

Quwaddii midnimadana

Qubay oon u baahneyn

Qeybiba halkey taal

Qaarood ku ootoo

Qaran beynu nahay yiri

Qeyrkood ku hoos jira

Qabka iyo qabiilkuna

Quluubtooda buuxiyay

Qurux kuma nagaadee

Qaxariyo majaaciyo Dagaal buu u qeybyahay waligiis

Qabowiyo Qasdi wacan ma helayee

Qoomamuu u wahel yahay

Qabbaan weeye heeryada lagu qaato ee raran!

Qalaadkaa shisheeyaha Yaanu qiima kula noqon

Qob-qobkaa gumeystuhu Waa qoob-dhabkiisee Dib u qooro shalayiyo

Qaabkad saakay tahay eeg?

Dabadeed Qorsha yaal ku qodbee jawaabaha?

Midnimooy Qurxooney tii naga qadoodaay Cadaawahu qafaalaay

Qalaw uu ku tuuraay

Qalbigaad kutaalloo kaa quusan maayee

Qaadir baan ka tuugee Midnimooy qurxooney Sida

Qamar hegada jira

Qoomkaan u deeqoo ka dul qaad naceybkiyo Cuqdigaan qalbiga dagay!

W/Q: Abwaan Cabdisiis Axmed Barrow

South Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here