Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Qaadacay Qorshaha ay ku Midoobayaan Maaulada Gobbolada Dhexe

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka soo horjeestay kulan ay wada yeesheen maamulka Ahlu Suna iyo waliba maamulka Galmudug kaasi oo la doonayo in lagu mideeyo maamulada gobalada dhexe.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka soo horjeestay kulan ay wada yeesheen maamulka Ahlu Suna iyo waliba maamulka Galmudug kaasi oo la doonayo in lagu mideeyo maamulada gobalada dhexe.

Afhayeenka Maamulka Xibin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafay ayaa sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah maamulada kajira gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya uusan ka warqabin kulankaasi.

Wuxuu sheegay in uusan u arkin kulankaasi kulan jira oo looga arinsanayo aayaha gobalada dhexe ee Soomaaliya, maadaama uu sheegay in uu ahaa kulan ay labadaasi dhinac isku koobeen.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Ximan iyo xeeb ayaa wuxuu sheegay in maamulkiisa uusan diyaar u ahayn in uu la fariisto ama uu la hadlo maamulka Ahlu Suna Waljamaaca.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here