Maamulka Somaliland oo sheegay in Mahiga Xilka laga qaadayo

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in qorshayaal socda ay kamid yihiin, in xilka laga qaado wakiilka QM u xilsaaran arimaha Soomaaliya, danjire Augostine Mahiga.

Wasiirka qorsheynta mamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska lagu magacaabo Somaliland Sun, waxa uu ku shegay ineeu jiro qorshe hada soconaya oo xilka looga qadayo wakiilka QM u xilsaran arimaha Soomaaliya, Augostine Philip Mahiga.

Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in kulamo uu laqaatay gudiga QM uqaabilsan arimaha farsamada, oo 6 xubnood ka kooban, islamarkaasna ay u xaqiijiyeen in labadalayo danjire Mahiga, islamarkaasna safiirkale Soomaaliya loo soo magacaabayo.

Fadhiga ugu soo horeeya golaha amaanka ee QM ay ku yeelanayaan magaalada New York, ayuu wasiirka qorsheynta Somaliland sheegay ineey gudigan kaga dhawaaqi doonaan danjiraha cusub ee ay QM ugu soo magacaabeyso Soomaaliya.

“Waxa ay ii sheegeen in xilka ay ka qaadayaan Mahiga, islamarkaasna danjire Cusub la magacaabayo, kaasoo ka shaqayn doona arimaha Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Sacad Shire.

Wasiirka ma’uusan shegin sababta loo badalayo Mahiga, iyo ruuxa lagu badalayo.

Majiro war kamadax banaan sheegashada wasiirka qorsheynta Somaliland oo sheegaya in la badalayo danjire Mahiga, laakiin dad badan ayaa Mahiga u arkayay in intii ay jirtay doowladii KMG ahayd ee Soomaaliya uu guuxiisa kahoreeyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here