Maamulka Somaliland oo qabtay tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay dad Meyd ah ku jiraan

tahriibayaalMaamulka Somaliland ayaa sheegay in gobolka Sanaag ay ku qabteen doon waday in ka badan 80 qof oo tahriibayaal Ethiopian ah, oo ay ku jiraan dad meyd ah.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaaga Axmed Cabdi, ayaa VOA-da u sheegay in markii doontaas ay gacanta ku dhigeen ay ku arkeen 7 qof oo meyd ah, kadibna saddex qof oo kale ay gadaal ka geeriyodoeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doontan ay ka timid dhinaca xeebaha Puntland, islamarkaana ay wadayaal ka ahaayn rag Soomaali ah.

Axmed Cabdi ayaa sheegay in iminka ay hayaan 72 qof oo qaar ka mid ah ay aad u jaageysan yihiin, qaar kalena ay xanuunsan yihiin. Dadkaas 10 ka mid ah waa haween, halka 62 kale ay yihiin rag.

Doontan ayuu sheegay inay u tahriibeysay dalka Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here