Maamulka Sh/Dhexe oo sheegay ineey duulaan ku yihiin deegaanada ay Al-shabaab ka maamulaan gobolka

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelada Dhexe Cabdi Cismaan Ibraahim, oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay duulaan ku yihiin deegaano katirsan gobolkaas, si ay Al-shabaab uga saaraan kuwaasoo hada maamula qaybo kamid ah gobolka.

Cabdi Cismaan, ayaa tilmaamay in Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ay haatan ku wajahanyihiin deegaano hor leh, kana tirsan gobolka Shabeelada Dhexe oo aay hada ka taliyaan Al-shabaab, waxaana kamid ah degmooyinkaas, Warshiikh, Raaga-ceele iyo deegano kale.

“Hadii ILAAHEEY idmana maalmaha fooda inagu soo hayso waxaan dooneeynaa inaan samayno howlgal oo dhamaan lagu cirib tiraayo kooxahaas nabad diidka ah, lagana soo bilaabi doono warshiiq ilaa Raagaceele” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Shabeelada Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in dadka dagan gobolka Shabeelada Dhexe iyo maamulka xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo islamarkaasna dadku ay doonayaan in Al-shabaab goobaha haatan ay maamulaan gacantooda laga saaro.

“Dadku waa dad isku hanbalyeeynayo, waa dad si nabad ah dukaamadooda ugu furanyihiin, waa dad si joogta ah noo siiya warbixinada, waa dad noo soo sheega meelaha ay ku dhuumanayaan kooxaha nabad diidka ah” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka shabeelada dhexe.

Al-shabaab, ayaa hada waxaa dhowr jiho kaga furan dagaalo xoogan, iyagoona isaga baxay magaalooyin waaweyn iyo degmooyin, waxayna dagaalkooda ubadaleen ku dhufo oo ka dhaqaaq, iyo ineey ugaarsadaan qof walbo oo ay u arkaan inuu kahoryimid fikirkooda, haday ahaan lahayd, Aqoonyahano, Culimada, dhaqaatiirta, iyo madaxda doowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here