Maamulka Sh/dhexe oo sheegay in saacadaha soo socdo ku wajahanyihiin Goobaha shabaab maamulaan

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow ayaa sheegay iney saraakiisha ciidanka AMISOM ay ka wada hadleen sidii ay alshabaab uga saari lahaayeen deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee ay wali gacanta ku hayaan,wuxuuna shaaca ka qaaday iney go’aan ku gaareen iney saacadaha soo socda u dhaqaaqaan deegaanada ka maqan gacanta dowladda ee gobolkaas.

Cabdi Jiinoow ayaa shegay in Ciidamada DFS iyo kuwa AMSIOM ay saacadaha soo aadan ku wajahanyihiin deegaanada iyo degmooyinka ay Gobolkaas ka maamulaan Al-shabaab

Masuuliyiinta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maalmihii danbe sheegayey in weerar lagu qaadi doono deegaano ay ka mid yihiin degmada Mahadaay oo 30Km u jirta magaalada Jowhar halkaas oo ay ka taagan tahay colaad u dhaxaysa beelo walaalaha si dhibaatada beeraleyda ka dhex taagan loo xaliyo ayey sheegeen iney muhim tahay in marka hore deegaanka laga saaro alshabaab oo xiligan gacanta ku haya.

Howlgalada iyo dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa bilihii danbo hakad galay, waxaana taas badalkeeda saa’iday weerarada shabaabka ay kusoo qaadaan Fariisimiha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here