Maamulka Sh/dhexe oo baadi goob ugu jira dadkii ka danbeeyay dab la qabadsiiyay Tuulada Mayoongaale

Habeen kahor ayay ahayd markii ay koox maleeshiyo ah ay dab qabadsiiyeen tuulolagu magacaabo (Mayoongaale) oo dhowr KM ujirta degmada Jowhar ee xaruunta Shabeelada Dhexe, waxaana lagu soo waramayaa ineey tuuladaas ku bas beeleen in kabadan 25 guri.

Sidoo kale waxa dabkaas uu dhaawac kasoo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe oo goobtaas tagay, ayaa waxay sheegeen iney goobta kula kulmeen dad aad ufarabadan oo kasoo barakacay goobta uu dabka ka kacay, islamarkaasna aan haysan meel ay ku hoydaan.

Yuusuf Cabdi Cabdule, oo ah gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada iyo bulshada gobolka shabeelada Dhexe, haatana ah ku simaha gudoomiyaha gobolka, oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay ineey ku raadjoogaan cidii ka danbeysay dabka ka kacay tuulada Mayoongaale.

Maamulka aya ballan qaaday in cid alaale iyo cidii ay ku cadaato gubitaanka tuulada Mayoongaale ay sharciga horkeeni doonaan, islamarkaasna tallaabo cad laga qaadi doono.

“Cid walboo fal Aragagixisnimo samayso nuuceey doontaba ha noqotee waxaan hor keeni doonaa sharciga” ayuu yiri Yuusuf Cabdi Cabdule.

Deegaano hoostaga Shabeelada Dhexe maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacayay dilal gooni gooni ah oo u dhaxeeya beelaha wada daga halkaas, kuwaasoo la sheegay ineey salka ku hayaan aargoosi iyo aanooyin qabiil.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here