Maamulka Shabeelaha dhexe ee Dowlada Soomaaliya oo Codsaday in Ciidamo Boliis ah la Geeyo Deeganada Al-Shabaab laga qabsaday

Mammulka gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay codsadeen in ciidamo Nabad Sugid ah la geeyo goobaha lagala wareego kooxda Al-Shabaab ee Shabeelaha Dhexe ka tirsan.

Daa,uud Xaaji Ciiro Afhayeenka Maamulka dowladda Soomaliya e gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa uu sheegya in Maamulkoodu ay Codsadeen in la siiyo ciidamo nabad ilaalin ah oo u badan Boliis si ay u sugaan amaanka goobaha la qabsado Al-Shabaab,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in si dhaqsi loo aqbalo codsigooda.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in jowhar o ah xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ay la wareegi doonaan maal maha soo aadan isla markaasina taasi uu ugu hambalyeeynayo Shacabka ku dhaqan halkaasi isla markaasina waxaa uu ka codsaday in Shacabku ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda  gaar ahaan kuwa maamulk Shabeelaha Dhexe.

Hadalkaan ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo ciidamo dowlada Soomaaliya ee Shabeelaha Dhexe ay la wareegeen deegaano horay ay u joogeen Al-Sahabab si markaasi halkaasi loo sugo amaankeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here