Maamulka Sh Dhexe oo kulano la qaatay Xildhibaano kasoo jeedo gobalka

Mudaneyaasha ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha hoose ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan maamulka gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

Kulan ay ugu kuur galayaan xaaladaha nololeed ee gobolka Sh/dhexe xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolkaasi ee gaaray magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maamulka waxaana ka qeyb galay maamulka gobolka iyo shacab.

Xildhibaanada kulanka la qaatay maamulka iyo shacabka oo ay tiradoodu gaareyso 15 xildhibaan ayaa waxa uu u jeedka kulanka ahaa mid ay ugu guur galayaan xaaladaha noloshada sida amaanka, caafimaadka iyo waxbarashada.

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa warbixin ka siiyay xildhibaanada xaaladaha nololeed iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin shacabka madaama adeegga bulshada ay aas aasi u tahay noloshada shacabka.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in mudane waliba oo ka tirsan baarlamanka loo dirayo gobolka uu ka soo jeedo si uu ugu kuurgalo xaaladaha nolosha deegaanka uu ka soo jeedo si loogu sameeyo hormarin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here