Maamulka Qansaxdheere oo Ka Warbixyay Dagaalo ka Dhacay Degmadaasi

Maamula Degmada Qansaxdheere ee gobola Bay ayaa ka war bixyya dagaal culus oo ka dhacay degmadaasi isagoo sheegay in dagaalka ey soo qaadeen xarakada Shabaab.

Taliyaha degmada Qansaxdheere ee maamulka gobbolka Bay Xasan Isxaaq Aadan ayaa ka war bixiyey iska hor-imaad ciidamadda dowladda, kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinac iyo Xarakada Al-Shabaab dhexmaray.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiidka ciidamadda Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sii jeeday deegano kamid ah gobbolka Bay, waxa uuna xusay inay iska difaaceen ciidamadda Xarakada Al-Shabaab ee weerarka ahaa.

Xasan ayaa tilmaamay in iska hor-imaadkaasi ay ku dileen 6 kamid ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab halka 6 kalena ay gacanta ku dhigeen waa sida uu hadalka u dhigaye Taliyaha ciidamadda dowladda ee Qansaxdheere.

Taliyaha ayaa wacad ku maray inay Al-Shabaab aysan sii joogi doonin gobbolka Bay islamarkaana dhawaan ay bilaawayaan qorshayaal ay dejinayeen ee ahaa sidii gobbolka looga saari lahaa Al-Shabaab.

Sikastaba Gobbolka Bay ayaa waxa uu kamid yahay gobbolada ay ku sugan yihiin ciidamadda Xarakada Al-Shabaab halkaasi oo mararka qaar iska hor-imaadyo u dhexeeya Al-Shabaab, Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay ka dhacaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here