Maamulka Puntland oo Guulo ka Sheegatay Dagaal Shalay ka Dhacay Buuraha Galgala

Maamulka Puntland ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Buuralayda Galgala dagaaladaasi oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo waliba ciidamada maamulkaasi.

Taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee Buuraha Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen Shabaabka Buuraha Galgala ku jira.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee Buuraha Galgala ayaa sheegay in goobta ay weerarka ku qadeen ciidankooda ay kala wareegeen Shabaab,islamarkaana iminka ay ku sugan yihiin.

Afgaduud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii socon doono isla markaana Al-Shabaab ay ka saari doonaan ciidamada Puntland dhamaanba deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada ka dhacay deegaanada Buuralayda ah ee Galgala ee gobalka Bari ee maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here