Maamulka Puntland oo Bur Buriyay Fadhiiso ey Al-Shabaab ku Lahaayeen Deegaanka Galgala.

C/ Jamaal Cismaan Maxamed Wasiirka amaanka Puntland ayaa saxaafada faah faahin ka siiyay howlgalo ey ciidamada Punland sameeyeen buuraleyda Galgala ee gobola bari,

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland C/Jamaal waxa uu sheegay in hawlgaladaasi oo ahaa kuwo horay loo qoreeyey lagu bur buriyey fariisimo ay Al shabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala isla markaana halkaasi lagu gubay keydad raashin ah oo ay shabaabku lahaayeen buuraha sida uu hadalka u dhigay wasiir kuxigeenka amniga Puntland.

C/Jamaal Cismaan Maxamed wasiir kuxigeenka amniga Puntland waxa uu intaasi ku daray in sarkaal kasoo goostay shabaabka Galgala kaasi oo labo maalmood ka hor isku dhiibay Ciidamada Puntland uu bixiyey xogta goobaha ay ku yaalaan sadhigyada Al shabaab kadibna weerar lagu qaaday.

Sikastaba Buurakayda Galgala oo katirsan gobolka Bari ilaa horaantii sanadkii 2010-kii waxaa ka socday dagaal u dhexeeyey Ciidamada Puntland iyo kooxo shabab katirsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here