Maamulka Puntland oo Albaabada Iskugu dhufatay 3 Idaacadood Wareegto

Maamulka Puntland ayaa maanta amray in la xiro saddex idaacadood oo ka howlgala gudaha deeggaannada Puntland. Idaacadahan oo kala ah Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation, ayaa waxaa maanta loo geeyay warqad ka timid wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyo taliska booliska, taasoo faraysay inay joojiyaan shaqooyinka warbaahineed laga bilaabo maanta saacaddu markay ahayd 12-kii duhurnimo.

Maamulka Puntland ayaa idaacaddahan ku eedeeyay inay jabiyeen amar hore loo soo saaray oo sheegayay inay joojiyaan baahinta idaacado kale oo sii mara saddexdan idaacadood, balse idaacaddahan la xiray ayaa iyagu beeniyay inay jabiyeen wax amar ah.

Idaacadaha Daljir, One Nation iyo Codla Nabad ayaana noqday sedexda Raadiyo ee maanta la amray in gebi ahaanba la xiro oo hawada laga saaro.

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah ee ka soo baxay Madaxda Idaacadaha Daljir, One Nation iyo Idaacada Codka Nabada, balse arintaan ayaa qeyb ka ah caburinta joogtada ah ee Dowlada Puntland ay ku heyso Warbaahinta madaxa banaan ee ka howl gasha gudaha deegaamada Puntland.

 

Halkan ka Aqriso  Wareegta  maanta ka soo baxday Wasaarada Warfaainta Puntland ee lagu xiray 3-da Raadiye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here