Maamulka PL oo war adag kasoo saaray qabsashada “Taleex”

PuntlandMaamulka Puntland ayaa war adag kasoo saaray qabsashada ay Ciidamada S/land maanta qabsadeen Magaalada Taleex.

Shir ay maanta yeeshen golaha wasiirrada dowladda Puntland ayaa waxaa looga hadley dan-daansiga ciidamada maamulka Soomaaliland ee sida qarsoodiga ah ku soo galaya deegaanno ka tirsan gobollada xadduudka ku yaalla ee Puntland.

Qoraalka ka soo baxey shirka golaha wasiirrada dowladda Puntland oo u ku saxiixna afhayeenka dowladda,C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel ayaa loga hadley qorsha Puntland ee kaga aadan xad-gudubka Soomaaliland ee deegaannada Puntland.

Shaqan qodob oo shirka ka soo baxey hoos ka akhriso:-

1, Waxay dawladda puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka soomaaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka taleex iyo xingalool oo ka tirsan dhulka puntland

2 ,Duulaankaas gardarada ah wuxuu sababay barakac baahsan oo ka socda deegaamadaas ,

3, Dawladda puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda soomaaliyed,dawladaha dariska ah , iyo beesha caalamka in maamulka soomaaliland mar kasta oo ay duulaan kusoo qaadaan dhulka puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan ururka al shaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha puntland falal argagiso

4, Ugu danbeyn dawladda puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda

5, Waxay kale oo ay dawladda puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka shabeelada hoose ,iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka galguduud in lagu dhameeyo colaadahaas wado hadal.

Af-hayeenka Madaxtooyada
C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel

1 COMMENT

  1. 1) puntland hadii si sharaf leh oo cadaalad ku dhisan hadii ay la shaqeyn laheyd Dowlada federalka maanta sooma loo gurmadeyn qabiil qaran ma noqdo sadbursi soomalinimo maahan
    ceybtiii wasiirkii qorsheynta markuuuu magac qabiiil uu ugu qeyb galey shir qabiilisku bedelay lagu qabtey yurub swedenn
    sharaf xumada ka raacdey lugooyaduu Df la damacsanaa ayaa banaan timid sidee looo aaminaa in si cadaalad ah u qorsheyn doono aduun soomali weyn ka dhaxeeyo c/wali iyo wasiirkiisa qorsheynta waa ceyb nacayb qaran dumis sideee ku dhacdey in uu markii horeba uu matalo magac dowlad soomaliyeed khiyaanada majeerteen godkoodii ayey la soo gashey aduunka wadajir ayaa guul lagu gaari karaaa wasiirka ugu sharaf xun aan lagu aamini karin amaano shacab qaxooti ah wasiirka qorsheynta ma u qalmaa in uu siii ahaado wasiir wuxuu sameeyey waa qiyaano qaran waxaana raali ka ah c/w R/w
    soomali waay u dhamaatey ayadaa hubleysagu dhiibey maanta taleex berina meel kale somaliland waxay ku qarineysaa khilaafka dhexdooda waayo waxaa burburey xisbigii qabiilka kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here