Maamulka Midnimo.com oo tacsi u diray qoyski uu ka baxay Dr C/laahi X. Malin

Maamulka Boga Midnimo.com ayaa tacsi u diray qosyki iyo ehelki uu ka geeriyooday ALLA ha u naxariistee Dr. C/laahi Xuseen Maalin oo shalay ku dhintay magaalada Muqdisho.

Dr. C/laahi ayaa ku dhintay isbitaalka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kadib xanuun kusoo booday oo ahaa dhiig maskaxda uga furmay.

Geerida ku timid Diktoorka ayaa waxaa ka naxay dad fara badan, isaga oo amaasime ka ahaa isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho sidoo kalana ahaa mid ka mid ah dhaqaatiirta ugu caansan dalka.

Marxuum Cabdulahi Xuseen ayaa ka soo qeybqaatay horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya isagoo ahaa dhakhtar dhalinyar waxana uu agaasime ka soo noqday wax badana ka qabtay isbitaalka Intersos ee magaalada Jowhar isagoo dhowr sano ka ahaa Agaasime.

Dr Cabdulaahi Xuseen waxaa uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii ku dhaawacantay qaraxii Shamo oo ay dhaqaatiir ku dhimatay kuwa kalana ku dhaawacantay, waxana uu ahaa Dr Cabdulahi Xuseen dhakhaatiirtii loo qaaday wadanka Boqortoyada Sucuudi Carabiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu dhaqaatiirta yar caalamka, waxaa taasi ugu wacneyd dib u dhaca dowlad la,aanta 20-ki sano ee dalka oo ay bur bureen kaabayaashi iyo goobihi waxbarashada.

Hase yeeshee 10-ki sano ee lasoo dhaafay ayaa dalka waxaa dib looga hir galiyey kulliyadaha caafimaadka.