Maamulka Magaalada Baladweyne oo Ganacsatada u Fasaxay in Xilliyadii Habeenkii ay Ganacsan karaan

Maamulka Baladweyne ee dowlada Soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay balanqaadayaan amaanka guud ee ganacsatada gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Degamada Baladweyne  Maxamed Xasan Nuuriye ayaa mar uu lahadlayay Saxaafada waxa uu carabaabay in ay damaanad qaadayaan amaanka ganacsatada ganacsiga waaweyn ku leh Baladweyne oo laga yaabo in kooxo hubeysan ay dhiabaato u geystaan,

Waxa uuna Gudoomiyaha uu hadalkiisa uu intaasi ku sii daray in ganacsatada loo balanqaadayo in xilliyadii fiidkii ah ay ku shaqeysan karaan gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inkastoo ganacsatada Gobalkaasi shaqadooda maqribkii ay albaabada ay ulaabi jireen iyaga oo cabsi ka muujinaya in hantidooda boob loo geesto sababo dhanka ammaanka lagu sheegay ayuu duqa Degmada Beladweyne wuxuu meesha gabi ahaanba ka saaray amnidaradaasi.

Maxamed Xasan Nuuriye ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay sugu doonaan amaanka islamarkaan si gaar ah loo geyn doono goobaha ganacsiga kuwaasi oo ilaalin doona amaanka ganacsatada ku mashquulsan kala iibsiga agabyada kala duwan.

ugu danbeyntii Maamulka ayaa ganacsatada ugu baaqay in soo sheegaan waxii ay kaga shakiyaan dhibaateynta ganacsigooda iyo dhamaan amaanka guud ahaan Baladweyne.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here