Maamulka KMG Kismaayo & Odoyaasha Dhaqanka oo ka arinsanaya…..

Maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ka arinsanaya taageero ay doowlada Soomaaliya siiso shirka Jubaland, iyadoo maalmo kahorna uu fashil kusoo dhamaaday kulamo ay lahaayeen maamulka Kismaayo iyo wafdi uu hogaaminayay R/wasaaraha Soomaaliya.

Shalay aya ahayd markii ay magaalada Kismaayo soo gareen Ergo kasocotay gobolka Gedo, taasoo ka dhigan ineey soo dhamaystirmeen Ergooyinka ka qayb galayay shirka kasocda magaalada Kismaayo, islamarkaasna ladoonayo in lagu dhiso maamul aysan doowlada raali ka ahayn, laguna magacaabo Jubbaland.

Ergooyinkaas gaaray Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay kulamo gooni gooni ah la leeyihiin maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, kaasoo ku saabsan sidii uu ku sii socon lahaa shirka, iyo in laga maarmo doowlada Soomaaliya.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax. oo kamid ah Ergooyinka maamul usamaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, oo lahadlayay Warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in si toos ah ay uwada xiriiri jireen maamulka KMG ah ee Kismaayo, balse aysan doowlada wax wada hadal ah aysan wali yeelan.

“Maamulka KMG ah inta itaalkiisa ah waa nala dadaalay, lakiin dhanka doowlada ayaan wali faah faahin buuxda ka haynin,” ayuu yiri Suldaanka.

Suldaan Yuusuf, ayaa dhanka kale doowlada Soomaaliya ku dhaliilay wafdigii ay dhawaan u dirtay magaalada Kismaayo, ineysan wax kulamo ah la qaadan Odoyaasha ku howlan maamul usamaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, taasna waxa uu ku tilmaamay ineey tahay mid laga xumaado.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here