Maamulka Kismaayo oo maanta hawada ka saaray Isgaarsiinta

Maamulka ka taliya magaalada Kismaayo, ayaa maanta shirkadaha Isgaariinta ee kajira magaaladaas ku amray ineey hawada ka saaraan Taleefanada lagu hadlo ee Moobeelada.

Maamulka ma’uusan faah faahin sababta hawada looga saaray Isgaarsiinta magaalada, laakiin warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Prof Gaandi oo kamid ah musharaxiinta u tartameysa ineey qabtaan xilka madaxweyninimo ee Jubaland uu maanta halkaas soo gaaray.

Gidaarada ku teedsan wadooyinka waa weyn ee Kismaayo, ayaa waxaa lagu arkayaa sawirada musharaxiinta u tartameysa ineey qabtaan jagada madaxweyninimo ee maamulka Jubaland.

Maamulka KMG ah ee Hadaka taliya Kismaayo, ayaa ku adkeeysanaya ineey dhisaan maamulka Jubaland, oo ay doowlada Federaalka Soomaaliya ku tilmaamtay inuu yahay mid kasoo horjeeda dastuurka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here