Maamulka Juventus oo la kulmay wakiilka Suarez

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa markii ugu horreysay shaacisay in uu wadahadal u socdo weerrar yahanka kooxda Liverpool Luis Suarez.

Wargeyska La Stampa ayaa shaaciyay in madaxa kooxda Juventus Beppe Marotta, uu wadahdal la yeeshay wakiilka Suarez, Pere Guardiola, sidoo kale waxaa kulankaas ka qaybgalay madaxa ciyaaraha Fabio Paratici.

Kulankan oo indhaha saxaafadda laga qariyay, ayaa la sheegay in looga hadlay siddii Suarez uu ugu wareegi lahaa garoonka Turin.

Suarez ayaa ku dhow in uu ka tago garoonka Anfield, waxaana arrintaas si rasmi ah loo shaaciyay toddobaadkii horre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here