Maamulka Sh/dhexe oo mamnuucay Indho-shareerka & Mootooyinka Bajaajta

moto-bajaaj-613x330-529x284Wareegto kasoo baxday maamulka Shabeelaha Dhexe, ayaa lagu mamnuucay in dumarka ay xirtaan Indho-shareerka iyo in Mootooyinka Bajaajta ay xiliyada habeenkii socdaan.

Maamulka ayaa ku macneeyay sababta loogaga mamnuucay magaalada indhoshareerta inay tahay iyadoo ay ku soo dhex dhuuman karaan rag doonaya in ay falal amni darro ka fuliyaan magaalada.

Agaasimaha Warfaafinta Maamulka gobolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka ku dhex maraan magaalada Jowhar.

“Iyadoo laga duulayo adkeynta ammaanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haweenku aysan xiran karin indho shareer iyo weliba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyinka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnimadii.”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here