Maamulka Hiiraan oo maanta booqday Isbitaalka B/weyne

Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa maanta booqday Isbitaalka magaalada B/weyne, isbitaalkaasi ayaa in mudo ahba waxaa soo wajahayay dhibaatooyin dawola’aan ah iyo agabyada kale muhiimka ah.

Mamulka Cusub ee gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay maanta booqday Isbitaalka B/weyne, kadib mudo 6 bilood ah oo ay Isbitaalka kajirtay dawo la’aan.

Gudoomiyaha degmada B/weyne Cabdi Bishaar Aadan, ayaa sheegay in gudaha isbitaalka ay kala kulmeen xaalado qalafsan oo dhinaca Caafimadka, iyo qaybaha kale ee adeega Bulshada, waxaana yy intaasi raaciyay ineey ku baaqayaan ka mamul ahaan gurmad deg deg ah.

“Runtii dhibaatada aan kula kulanay meeshaan mid lasoo koobi karo maahan, dadka waa dad iska dhibaateysan, oo ay ugu badantahay dhinaca Musqulaha, dhinaca Jiifka, marka waxay u baahantahay gurmad deg deg ah” ayuu yiri gudoomiyaha B/weyne.

Agaasimaha Isbitaalka B/weyne Axmed Maxamed Khaliid, ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay, bahiyaha ugu badan eehaatan kajira Isbitaalka B/weyne, waxaana uu yiri sida tan.

“Qaybta nafaqo darada caruurta ayaa mudooyinkaan banaaneed, wax hay’ad ahoo fangareeynayay majirin”.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweeynayaan  cid walboo diyaar u ah ineey taageerto bulshada B/weyne, xili qaybta Nafaqada caruurta uu la wareegay NGO-ga maxaliga ah ee WARDI.

“Isbitaalka waxaa ka muuqda dhibaato xoog leh oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Madaxa NGO-ga WARDI Xuseen Dhuuboow Cabdi, oo ka warbixinaya sababta keentay ineey qaybta Nafaqo darada Caruurta la wareegaan xiligaan, waxaana uu yiri.

“Waxaan jecelnahay in qaybta Nafaqa darada caruurta oo taageero la’an ahayd aan la wareegno, dhaqalaheediinaa aan bixino, haduu Ilaaheey yiraahdana waxan jecelnahay inaan sii wadno mudo 2 sano ah, waxaana naga caawin doona hay’ada UNICEF”.

Bishii December 31 ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay hay’ada MSF SWISS ay joojisay taageeradii ay siin jirtay Isbitaalka B/weyne oo mudo ku siman 6 sano at gacanta ku haysay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here