Maamulka G/Shabeelaha Dhexe Oo Sheegay In Rag Shabaab Ka Tirsan Howlgal Ay Ku Qabteen

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 21-kamid dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale waxay sheegeen in lagu qabtay 3-dagaalyahan, lagana furtay 20-qori.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorshaysan, waxaana uu intaasi ku daray in dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen ciidamada in shabaabku ku sugan yahay deegaankaasi.

Intaasi kadib ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo sidoo kale kuwa AMISOM ay ku dhaqaaqeen kadibna halkaasi ay ka sameeyeen howlgalo ay ku baadi goobayaan shabaabka,isaga oo intaasi raaciyay hadalkiisa in deegaanka howlgalka ay ka sameeyeen uu yahay meel 16-KM u jirta deegaanka Ceel Cirfiid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in dhanka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray howlgalkaasi.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee ku aadan in howlgal rag ka tirsan Shabaab ay ku qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here