Maamulka Gobolka Sh Dhexe Oo Booqday Hosbitaalka INTERSOS Oo La Dhigay Caruur Sumowday.

JOWHARWaxaa Barqanimadii Maanta Cusbitaalka INTERSOS ee Degmada Jowhar la dhigay Caruur ku sumowday Tuulooyin Hoos taga Degmada jowhar kuwaasi oo ay ka mid yihiin Tuulada Garaash Buula garaan iyo Tuulada Kongo oo iyaga dhanka Waqooyi Uga Beegan Magaalada jowhar.

Cusbitaalka INTERSOS ayaa waxaa ilaa iminka ku Geeriyootay ilaa laba caruur ah halka ay hada ku sugan yihiin tira caruur kale ah kuwaasi oo ay socaneyso sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda Caafimaadka.

Axmed Meyre Makaraan Oo ah Gudoomiye Ku xigeenka dhinaca siyaasda iyo Amniga ee maamulka Gobolka shabelllaha dhexe iyo Xubna kale oo ka tirsan maamulka gobolka ayaa maanta Booqday Cusbitaalka INTERSOS si ay u kormeeran xaalada caafimaad ee caruurta soo sumowday.

sikastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horeysay ee uu maamulka gobolka shabellaha dhexe uu booqasho ku gaaro Hosbitaalka INTERSOS iyada oo ay jiraan mararbadan oo uu maamulka bukaano ku booqday xarunta Cusbitaal gobledka INTERSOS ee Degmada jowhar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here