Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku dhaliilay hay’adaha samafalka qeybinta gargaarka aadanimo

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa eedeyn u soo jeediyey hay’adaha samafalka qaabka ay u qeybiyaan gargaarka ay siiyaan dadka ay saameeyeen daadadka ku dhuftay magaalada Beledweyne.

Axmed Cabdalla Inji oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka maamulka Gobalka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inaysan u dulqaadan doonin sida ay howsha u wadaan hay’adaha gargaarka.

Guddoomiyaha ku xigeenka gobolka Hiran ayaa sidoo kale ku amray hay’adaha gargaarka inay soo maraan maamulka gobolka kahor inta aysan qeybin gargaarka cuntada ah.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in hay’adaha gargaarka ay sheegaan inay bixiyaan lacago iyo deeqo kala duwan dadkiina ay yihiin kuwa baahan si loo koontaroolo hay’adaha gargaarka waxa ay bixinayaana wuxuu carabka ku adkeeyay inay maamulka soo maraan.

Boqolaal ruux oo ka barakacay daadadka iyo fatahaadaha Beledweyne ayaa weli ku sugan duleedka magaalada iyagoo u baahan gargaar kala duwan oo isugu jira dhinaca cuntada iyo hoyga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here