Maamulka Gobolka Hiiraan oo bilaabayo is balaarin

Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan qorshe ay ku qabsanayaan deegaanada kale ee ay hada maamulaan Al Shabab.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib marki ay shalay ciidanka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM si rasmi ah ula wareegeen amaanka qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, waxaana la sheegayaa in dhaq dhaqaaqyo ay durbaba magaalada ka bilowdeen.

Axmed Nur Inji oo ah gudoomiye xigeenka gobolka Hiiraan ee xaga amaanka ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ay bilaabayaan dagaalo ay ku qabsanayaan deegaanada kale ee gobolka.

“Waxaa noo dhiman in gobolka laga xoreeyo cadowga goobaha ay ku hereen, howlahaasi oo dhan way bilaabayaan haduu ALLE idmo,  anaga oo ALLE kaashan doono sidoo kalana kaashaneyno saaxibadeena AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa lagu xureyn doonaa goobaha haray ee gobolka,” ayuu yiri.

Al Shabab ayaa wali maamulo inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan, sida degmooyinka Buqda Aqable, Buula Barde iyo Maxaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here