Maamulka gobolka Gedo oo faah faahiyey duqeynti Garbahaareey

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka warbixiyey duqeyn iyo qaraxyo shalay iyo xalay lagu weeraray magaalada Garbahaareey ee caasimada gobolkaasi.

Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada Garbahaareey ay hada dagantahay balse ay wadaan howlgalo lagu sugayo amniga guud.

Isaga oo ka hadlayey tuhun laga qabo in qaraxyadi shalay ay fududeeyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka ayuu sheegay in ay cawaaqib xoog leh keeni doonta taas cidi lug ku yeelatana sharciga la waafajin doono.

“Waxaa saameyn ku yeelan doono dad badan oo Amniga ka mid ah oo lugaha lasoo gali doono haduu ALLE idmo waan baari doonaa, wajiga labaad waxaa weeye cida fududeysay sababtoo ah magaalada madax si koontaroolan ayaa loo ilaalin karay,” ayuu yiri.

Duqeymo xalay loo geystay Garbahaareey ayaa waxay sababeen dhaawaca 3 ruux, halka qaraxyo shalay magaalada lagu weerarayna ay ku dhinteen sadex ruux oo laba ka mid ahi ahaayeen rayid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.