Maamulka Gobolka Banaadir oo soo iibsaday gaadiidka dabdamiska (Daawo sawirada)

Kadib muddo dheer oo magaalada caasimadda ee Muqdisho ay ku jirtay xaalad adag ayaa waxaa mararka qaar ka dhici jiray gubasho ku timaadda suuqyada ganacsiga, guryo, gaadiid iyo meelo badan oo qeybaha bulshada Muqdisho ku dhaqan muhiimad weyn ugu fadhiya.

Waxaana maamulka gobolka Banaadir oo ka duullaya Dabdamis la?aanta baahsan ee saameysay magaalada Muqdisho oo sida la rumeysan yahay ay nool yihiin inkabadan 3-Malyan oo ruux, uu mamulku ku guuleystay markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii halakowday soo iibshay gaadiidka Damdamiska.

Gaadiidkan oo tiradoodu aheyd labo baabuur oo nooca Dabdamiska ah ayaa waxaa soo iibshay maamulka gobolka Banaadir oo ka jawaabaya baahida shacabka Muqdisho ay uqabaan gaadiidka Dabka dansha.

Reer Muqdishow ma qabin gaadiidka Dabdamiska ah markii dab meel ka kacana waxaa bas beeli jiray hantida iyo naf mararka qaar, waxaan ugu bishaareynayaa dadka ku dhaqan Muqsisho in maanta ay taas ka baxeen? ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.


Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa marar badan goobaha fagaarayaasha ee dadku isugu soo baxaan cod dheer ku sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay yeelan doonto gaadiidka Dabdamiska ah oo lagu damiyo meel kasta oo dab ka kaco iyo xili kasta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaadiidka Dabdamiska ah ee maanta ay shacabka reer Muqsiho usoo iibsheen waxa loo isticmaali doonaa goob kasta oo dab ka kaco iyo xili kasta, iyadoona loo sameeyay shaqaale heegan u ah habeen iyo maalin, waxaana gaadiidkaasi xarun u ah isla xarunta hada uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleysto soo celinta adeega bulshada, waxaana horay maamulku u filiyay qeybo badan oo kamida adeegyada bulshada kuwasoo ku burburay dagaaladii dalka gaar ahaan kuwii magaalada Muqdisho ay marti gelineysay muddada dheer .

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.