Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegaaya guryaha burbursan ee Muqdisho, haddii muddo seddax bilood lagu dayactiri waayo

1Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu awaamiir adag ka soo saaray guryaha uu burburka ka muuqanaayo, ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Awaamiirtaan, ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray Degmooyinka Xamar Weyne iyo Shingaani, iyadoo dadka iska leh guryaha ku yaala ee dayactirka u baahan, in muddo seddex bilood ah ay ku dayactiraan.

Awaamiirta, ayaa waxaa lagu xusay in cidii dhegaha ka fureysato awaamiirtaasi, uu Maamulka Gobolka Banaadir kala wareegi doono guryahooda.

Qoysaska aan awooda u laheyn in ay dayactir ku sameeyaan guryahooda, ayaa wuxuu Maamulku uu ku wargeliyay in ay xiriir la soo sameeyaan, si ay amuurtaasi iskaashi uga wada yeeshaan.

Tani, ayaa waxaa lagu sheegay mid dib loogu soo celinaayo bilicdii Magaalada Muqdisho, kadib muddo 22 sano ah oo ay la soo foolaneysay burbur baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here