Maamulka gobolka banaadir oo ka warbixiyay waraaqaha aqoonsiga

Afhayeenka gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf
Afhayeenka gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu balaarin doono xarumaha laga bixiyo warqadaha sugnaanta iyo dhalashada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay iney sii kordheen tirada dadka qaadanaya warqadaha sugnaanta iyo dhalashada,  isagoo xusay in maamulka gobolku qorsheynayo sidii loo badin lahaa xarumaha laga bixiyo warqadahaasi oo hadda ah hal meel.

Mudane Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in  maamulka gobolku qorsheynayo sidii loo kordhin lahaa xafiisyada laga bixiyo warqadaha sugnaanta iyo dhalashada madama ay sii kordheen tirada dadka qaadanaya warqadahaasi.

Afhayeenka ayaa uga digay dadka qaadanaya warqadahaasi iney bixiyaan lacago laaluush ah oo sharcidarro ah,  isagoo ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddi lagu qabto iyadoo qaadeysa lacago sharcidarro ah.

Maamulka dowladda hoose ee G/Banaadir ayaa wada bixinta warqadaha dhalashada iyo sugnaanta, iyadoo laga bixinayo xafiiska dad dhigista ee dowladda hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here