Maamulka G/Banaadir oo dib u soo celinayo adeegyadii bulshada

Maamulka gobolka  Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dib u soo celinayo adeegyadii bulshada ee lagama maarmaan u ahaa nolosha dadka Soomaaliyeed, sida biyaha, korontada, caafimaadka iyo nadaafada.
 
Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wareysi siiyay Idaacadda ku hadasha afka Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku holwl-lan sidii loo hergalinta lahaa mashaariic lagu horumarinayo caasimadda dalka ee Muqdisho.
 
Tarsan wuxuu sheegay in maamulkiisa uu xoogga saari doono adeegyadii ka maqnaa caasimada muddadii ay dhibaatooyinka jireen kuwaasoo ugu horeeya Biyaha, Korontada iyo dib u dhiska caasimada.
 
Waxaa kaloo uu sheegay Tarsan in mashaariicda horumarineed ay hor dhigayaan dalalka taageera Soomaaliya iyo kuwa deeqaha bixiya, wuxuuna carabka ku dhuftay in degmo degmo loo dhisi doono magaalada Muqdisho, qorshahaasina uu haatan socda.
 
Wuxuu ka codsaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay gacan ka geysrtaan sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee mudada maqnaa, wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay shacabka reer Muqdisho.
 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii laga xoreeyay maliishiyooyinka Argagixisada ee Shabaab dadka dhibaateyn jiray laga dareemayaa xasilooni, walow ay jiraan dilal qorsheyn oo lala beegsanayo shaqsiyaadka bulshada ka dhex muuqda iyo qaraxyo abaabulan.