Maamulka Gobalka Banaadir oo deeq lacag ah ku wareejiyay Culimada Puntland

Waxaa shaley culimaa’udiinka Puntland la soo gaarsiiyay deeq lacag ah,taasi oo ay soo gaarsiiyeen shacabka gobalka Banaadir waxaana loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Puntland

Deeqdan lacagta ah ayaa waxa ay gaaraysaa 200.000 USD,waxaana magaalada Garowe soo gaarsiiyey wafdi ka socday maamulka gobalka Banaadir ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Munaasbad deeqdaasi lagula kala wareegayay ayaa ka dhacday hotel Rugsan ee magaalada Garowe,waxaana ka soo qeyb galay madax ka socotay maamulka Puntland,culimaa’üdiin,ganacsato iyo madax ka socotay gobalka Banaadir ee xukuumadda Soomaiialiya.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay xafladda Iimaan Nuur Iikar oo ah gudoomiye ku xigeenka gobalka Baandir oo sheegay in maamulka gobalka Banadir ay wadaan lacag,taasi oo laga soo aruuriyey shacabka magaalada Muqdisho,isla markaana kaalin ay ka qaateen maamulka gobalka Banaadir.
IMG_2880
Waxa uu intaasi ku daray Iiman in Soomaalida ay iyada is gar-gaari karto isuna soo dhawaan karto intii ay sugi lahayd gacmo shisheeye iyo hay’ado.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka ee culimaa’udiinka Puntland oo lacagta ka gudoomay maamulka gobalka Banaadir,waxa uu sheegay Sheekha in maamulka gobalka Banaadir ay soo gaarsiyeen lacagtii ugu badnayd,isagoona nabad iyo barwaaqo ugu duceeyay shacabka magaalada Muqdisho.

Waxaa geb-gebadii munaasabadda ka hadlay wasiirka deegaanka,daaqa,dalxiiska iyo duurjoogta Cabdiqani oo sheegay in shacabka ku nool magaalada Muqdisho ay qaadeen talaabo ku dayasho mudan Soomaaliduna ay yihiin dad walaalo ah oo isku gurmada.

Tan iyo markii gobolada Bari,karkaar iyo Nugaal qeybo ka mid ah ay ku dhufatay duufaanta ayaa waxaa gudaha iyo dibadda ka socday gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay duufaanta.

Xigasho: Horseed Media

1 COMMENT

  1. Waa arin aad u wanaagsan in Soomaalidu is caawiso, waanan ku faraxsanahay. waxaanse uga fadhinaa dawlada iyo maamulka gobolka banaadir in ay sidan oo kale ugu gurmadaan dadka maatada ah ee la gubay guryahoodii iyo hantidii ay haysteen ee deegaanada shabeelada hoose ee #50, Shabeelada dhexe iyo Hiiraan (Kabxanley)! hadii aysan deeqdan la gaarsiiyey walaalaha PUNTLAND aysan ahayn mid siyaasad hoosta ku wadata…!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here