Maamulka G/Banaadir oo la kulmay Wafdiga Jaamacada Carabta (SAWIRO)

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta qado sharaf u sameeyay wafdiga ka socda Jaaamacadda Carabta oo shalay Muqdisho soo gaaray, kaasi oo ku saabsan soo dhaweyn, iyadoo uu ka qeyb galay safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Somaaliya.

Kulanka qadada ah ayaa la isku dhaafsaday aaraah kala duwan oo ku aadan sida ay Jaamacadda Carabta uga qeyb qaadan karto mashaariicda horumarineed ee ka socda Caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay farxad u tahay inay soo dhaweeyn u sameeyaan wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta.

Faiz Mohamed Al-Mudeiri oo ah mas’uulka hogaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ka socda, isla markaana ah safiirka Dowladda Kuwait u fadhiya Dalka Jabuuti ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa socod ku soo maray xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ay horu dhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo R/waaare ku-xigeenka dowladda Kuwait oo maalmaha soo socda lagu wado in uu soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

1507871_1528794414025979_7492508138515191933_n 1511208_1528794314025989_6509963408475759059_n 1601359_1528794070692680_1789359877957825692_n 1607004_1528794250692662_6144572428556262435_n 10264440_1528794370692650_7907253757374724325_n 10395833_1528794380692649_2340176245327155794_n 10438435_1528793347359419_7591826448540438178_n 10444448_1528794410692646_1667906522742176733_n 10846282_1528794247359329_2624208316230118106_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here