Maamulka G/Banaadir oo Deeq lacageed Maanta Gaarsiiyay Wariye Siciid Shuuriyaako oo ku Dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka (Sawirro)‏

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay deeq lacageed oo  gaareysay Kun Doollar waxa ay gaarsiiyeen Siciid Shuuriyaako oo horaanti sanadkan dhaawac uu kasoo gaaray musiibadi qaraxii Tiyaatarka, goortaaso ay soo gaareen dhaawacyo halis ahaa.

Booqashada maanta ay maamulka Gobolka Banaadir ugu tageen dhaawaca   Wariye Siciid Shuuriyaako islamarkaana ay kuguddoonsiiyeen aduun lacageed ayaa waxa ay qeyb katahay gargaaridda dadka shacabka ah Muqdisho ku dhaqan ee maamulka G/Banaadir uu ufidiyo.

Munaasabadaasi ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta Nusoj, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Agaasime yaasha idaacadaha Muqdisho, Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo qeybaha Saxaafadda kala gadisan ee Muqdisho ka howlgasha.

Waxaana ugu horeyntii goobtaasi ka hadlay Abwaan  Csimaan Cabdullaahi Guure, oo sheegay iney uga mahadcelinayaan maamulka G/Banaadir sida ay uga damqadeen wariyahan ku dhaawacmay qaraxii Tiyaatarka ee u baahnaa kaalmada.

Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Nusoj, mudane Pakistan ayaa dhankiisa sheegay in talaabada maamulka G/Banaadir uu maanta kaalmada ku guddoonsiiyay wariye Siciid Shuuriyaako ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana lama ilaawaan ah, kana codsaday in maamulka G/Banaadir ay sii wadaan ugargaaridda shacabkooda.

Afhayeenka Maamulka G/Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan oo   halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqa lacageed ee maanta maamulka   G/Banaadir uu gaarsiiyay wariye Siciid Shuuriyaako aysan aheyn tii ugu  horeysay ee maamulka uu gaarsiiyo wariye dhaawac ah, islamarkaana ay markasta garab taagan yihiin wariye yaasha Soomaaliyeed.

Waxaana gabagabadi munaasabadaasi ka hadlay mudane Cali Axmed Guure  guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada ee maamulka   G/Banaadir ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir uu ka damqado dhibaatooyinka dhamaan shacabka gaar ahaan Suxufiyiinta ku dhaqan  Muqdisho, islamarkaana ay garab istaagi doonaan markasta iyo meel kasta.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here