Maamulka Galmudug oo Soo Dhaweeyay Maamulka Goboleedka Cusub ee Ahlu Sunna

Galmudug oo soo dhaweysay in ahlu sunna ey sameesato maamul goboleed xili ey masuuliyiinta gobolada galgaduud ey ku dhawaaqeen.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Galmudug Axmed Max’ud Xasan (Baasto) oo warbaahinta Midnimo.com la hadlay ayaa sheegay in ey soo dhaweynayaan maamul goboleedka ey Ahlu sunna ku dhawaaqday isagoo sheegay in ey u taaganyihiin mideenta gobolada galgaduud.

Axmed Baasto ayaa waxa uu sheegay suuro galnimada in laga wada hadlo ballaarinta Maamulka Galmudug oo uu tibaaxay in uu yahay mid aqoonsi Caalami ah ka heysta beesha Caalamka, isagoo talo ahaan usoo jeediyay in haddii Maamul la sameynayo in la xoojiyo Maamulka dhisan ee Galmudug.

SIkastaba Hadalkaani ayaa imaanaya Xilli dhawaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ay shaaciyeen in Maamul goboleed ay ka sameynayaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here