Maamulka Dooxada Shabelle oo sheegay in ay fashiliyeen qarax ka dhici lahaa Baladweyne

Maamulka Dooxada Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaal xalay ka dhacay magaalada Baladweyne kaasi oo ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Maxamuud Nuur Cagajoof oo dhanka warfaafinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabelle ayaa sheegay in ay ku qabteen weerarki xalay mid ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab iyo gaari uu sheegay in lagu qarxi rabay xarun ay ku lahaayeen dhinaca galbeed ee magaalada.

Wuxuu sheegay in ay sidoo kale qabteen ninki waday baabuurka isla markaana ay haatan su,aalooyin weydiinayaan.

Dagaalki xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in uu ka danbeeyey marki rag hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Dooxada Shabelle ku leeyihiin xaafada Suuqa Balka ee galbeedka magaalada Baladweyne.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.