Maamulka degmada Yaqshid oo soo bandhigey meydka wiil dhalinyaro ah oo xalay ciidamada degmada dileen

Maamulka degmada Yaaqshiid ee  ee magaalada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigay meydka wiil dhalinyaro ah oo ay xalay dileen ciidamada dowlada isagoo doonayay in uu aaso miino isgoyska Fagax ee degmada Yaqshid.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Muxiyadiin Xassan Jurus ayaa sheegay in ay ninkaasi ay qabteen isaga oo dhaawac ah balse uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid in wiilkaasi uu kamid ahaa dadka xaafadda, hase yeeshee uu la shaqayn jiray Al shabaab uuna u qaabil sanaa aasidda miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Yaashiid waxa uu eedeyn u jeediyey iskuulka Al Abaadir oo ku yaalla degmada Yaaqshiid kaasi oo uu dhigan jiray wiilka doonayay in uu aaso miinada.

Goobta lagu soo bandhigey meydka wiilkaas dhalinyarada ah ayaa waxaa la keenay waalidka wiilkaas iyo miinadii uu doonayay inuu aaso. Waxan auu guddoomiyaha degmada Yaqshiid uu sheegay in hore wiilkaas looga shakiyey ayna soo qabteen kadibna iska sii daayeen markii ay wax dambi ah ku waayeen.

Waxa uu tilmaamay in iskuulada Muqdisho qaarkood ardayda lagu baro qaraxyada iyo waxa xun ayna dhowaan talaabo adag ka qaadi doonaan sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xassan Jurus.