Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci oo faahfaahin ka bixiyay isbaarooyin laga qaaday Degmooyinkiisa

Maamulka Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay isbaarooyin yaalay Degmadasi kuwaasi oo saaka ciidamada maamulka Degmadaasi ay halkaasi kaq aadeen.

Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya oo maant warbahinta shir ugu qabtay xarunta Degmada Wadajir ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidankiisa ay ku guuleesteen inayq aadaan isbaarooyin yaalay Degmadaasi.

Wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Wadajir aysan jirin lacag ay ka qaadayaan gaadiidka isticmaala guud ahaan Degmadaasi.

Ciidamada ayuu sheegay inay ku sugan yihiin goobaha ay yaaleen isbaarooyinka islamarkaana aysan jirin lacago ay gaadidka ka qaadayaan.

Dowladda Somaaliya ayuu sheegay in muddo isbuuc kadib looga baahan yahay inay ciidan keensato goobaha laga qaaday isbarooyinka si ammaanka goobahaasi Dowladda Soomaaliya ay uxaqiijiso.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kawada how;lgalo isbaatrooyin qaadis ah taasi oo ammaanka Degmooyinka Gobalka Banaadir looga fulinayo amarka Madaxweynaha Dowladda Soomaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here