Maamulka Degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo Baaq u Jeediyay Dowlada Soomaaliya

Maamulka Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabtaan baahiyaha kala duwan ee ka taagan Degmadaasi.

C/raxamaan Cabdi Nuur Barre Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dhuusomareeb ahna madaxa arimaha Bulshada ee ururka Ahlusuna oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in wasaaradaha arimaha gudaha,caafimaadka iyo wasaarada waxbarashada ay Degmadaasi wax u qabtaan.Wuxuu sheegay in Degmada Dhuusomareeb ay ka liidato dhanka caafimaadka oo aysan laheyn isbitaalo ku filan wasaarada caafimadka xukuumadda cusubna ay ujeedinayaan baaq ku aadan in Degmadaasi wax loo qabto.

Sidoo kale Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda cusub ayuu sheegay iyana inay ujeedinayaan baaq ku aadan in Degmada Dhuusomareeb aysan laheyn jaamacad ka howlgasho Degmadaasi Dhankaasina in laga taagero ay jeclaan lahaayeen.

Ugu dambeyn ayuu sheegay inkastoo dhanka ammaanka uu wanaagsan yahay hadana wuxuu jeediyay baaq ku aadan in laga gacan siiyo hanaanka ammaanka Degmada guud ahaan lagu xaqiijin lahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here