Maamulka Degmada Dharkenleey oo Gacanta ku Dhigay kooxo Isbaaro Dhigan Rabtay Degmadaas

Maamulka Degmada Dharkeleey ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen kooxo isbaaro dhigan rabay gudaha degmadaasi.

Macalin Cabdulle Cali Hilowle ayaa sheegay in amaanka degmada uu maamulo ay soo hagaageyso, isla markaana ay dhaqan galiyeen amarkii ka soo baxay madaxweynaha soomaaliya ee ahaa inaan isbaaro la dhigan karin dalka.

Gudoomiyaha Dharkenleey ayaa shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen kooxo isbaaro dhigan rabay Degmada, wuxuuna sheegay in hada ay ku jiraan saldhiga degmada.

“Ammaanka degmadan waa uu soo hagagayaa, waana run in aan gacanta ku dhignay kooxo doonayay in ay Isbaaro dhigtaan demadan mana jiri doonto in loo dulqaato cid wax dhimeysa Ammaanka degmadan.” Sidaasi waxaa sheegay Macalin Cabdulle Gudoomiyaha Dharkeleey.

Degmada Dharkenleey ayaa ka mid ahayd degmooyinka ugu isbaarada badan, iyadoo ay ciidamada Dowlada kaga qaadan jireen lacago baad ah, balse waxaa taasi meesha ka saaray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Jamhuuriyada, kaasoo uu ku amray in la qaado dhamaan isbaarooyinka yaala Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here