Maamulka degmada Dharkeenley oo askarta digniin u diray

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya
Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya

Maamulka cusub ee degmada Dharkeynleey iyo laamaha ammaanka ayaa ka digay in ciidamadu ay hub isaga dhex wataan xaafadaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyagoo aan wax shaqo ah heynin.

Maamulka ayaa ku amray in kooxaha ku dhex wata hubka degmadas in ay iska soo diiwangaliyaan maamulka degmada si loogu sharciyeeyo.

Afhayeenka Hay’adaha amniga Maxamed Yuusuf Madaale oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho dhawaan laga hirgalin doono qorshe cusub oo uu sameeyay maamulka gobalka Banaadir kaasoo ah in hubka aan lagu dhex wadan karin magaalada.

Degmada waxaa shaley ka dhacday howgallo lagu baadigoobayo kooxaha burcadka ah ee xaafadahaas ku nool.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay nin kamid ah ragga ay baadi goobayeen hay’adaha ammaanka oo ku hubeysnaa qori AK47 iyo dareeska ciidanka, oo uu maamulka ku tilmaamay in uu ka mid ahaa ragga gudaha degmada ka sameeya waxyaabaha maanka dooriya, uuna ku jiray liiska dadka la baadi goobayay.

Dhinaca kale,guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Aadan Maxamed Cumar oo isnka markii uu howlgalka dhammaday la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ragga hubeysan ee sida sharci darrada ah hubka ugu dhex haysta goobaha shacabka laga qaadi doono talaabo adag,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here