Maamulka cusub ee Gobolka Benaadir oo la taageeray “Sawirro”

Munaasabad lagu taageerayay maamulka cusub ee gobolka Benaadir oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday maamulka Gobolka Benaadir, iwaxaana halkaasi heeso guubaabo ah ka qaaday fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska.

Sidoo kale haweenkii ka hadlay kulanka ayaa yiri “Anagga kan haween ahaan diyaar ayaan u nahay in aan la shaqeyno guddoonka cusub ee gobolka Benaadir, waxaana ka qeyb qaadanaynaa dib u dhiska dalka”.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir ee dhanka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo isna kulanka soo dhaweynta ah hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka looga fadhiyo sidii ay u sii dar dargelin lahaayeen taageerada ay u hayaan maamulka cusub ee gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab gabo gabadii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saari doono arrimaha ammaanka, nadaafadda iyo ka shaqeynta horumarinta gobolka, isagoo intaa ku daray inay bulshada ugu adeegi doonaan cadaalad iyo sinaan.

IMG_0455 IMG_0461 IMG_0481 IMG_0505 IMG_0516 IMG_0530 IMG_0567IMG_0572

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here