Maamulka Balcad oo ka Warbixiyay Shabaab Gacanta lagu Dhigay

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay ka war bixiyeen howlgalo baaritaano  ay ciidamada dowlada Soomaaliya ka fuliyeen Degmadaasi.

Maamulka Degmada Balcad ee dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen rag lala xariirinayo Al-shabaab oo laga soo qabtay xaafadaha magaalada,kuwaasi oo in mudo ah ku dhuumaaleysanayay gudaha xaafada.

Cismaan Maxamed Xaadoole, gudoomiyaha Degmada Balcad ayaa sheegay in maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku wareejiyeen shanruux oo ka tirsanaa Alshabaab,oo ay soo qabteen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Mudooyinkii danbe ayaa deegaanada gobolka shabeelaha dhexe waxaa ka soconayay howlgalo lagau dagaalamayo Al-shabaab islamarkaana la doonayo in qatartooda loogu hortago.

Maalintii shalay ayay aheyd markii gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sidda uu dadweyne badan kula hadlay degmadaasi uguna baaqay inay maamulka la shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here