Maamulka Balcad oo ishortaagay dibad bax cabasho ah oo halkaasi ka dhacay

Ciidamada maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta rasaas ku kala eryey boqolaal ruux oo ku mudaaharaadayey degmada Balcad.

Dadkaan ayaa ka cabanaya lacago badan oo  uu maamulka dul dhigay gaar ahaan canshuurta laga qaado beeraleyda taasi oo ka badan lacagihi awal horay loogaga qaadi jira.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay rasaas cirka ugu rideen dadka, qaar kalana ay baad iyo qoriga caaradiisa ku kala eryeen, waxaa kale oo ay dadku sheegayaan in odayaal ka mid ah dadki soo qaban qaabiyey xabsiga la dhigay.

Wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan arrintan ma jirto, waxaana dadka ay ugu baaqayaan madaxda Dowlada in ay wax ka qabtaan gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha in ay arrintaan soo fara geliso.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here