Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Koonfureed oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey

Maamulka Ahlusunna ee gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay isku shaandayn lagu sameeyey maamulka Ahlusunna ee gobolkaasi.

Afhayeenka Ahlusunna ee gobolada Koonfur Galbeed Shiikh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay in ay kaga gol leeyihiin sii dardar gelinta howsha sidii ay usii socon lahayd Muhiimaddooda 1-aad-na ay tahay sida uu sheegay sidii ay Gobolka Gedo uga saari lahaayeen Ururka Al shabaab sida uu tilmaamay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhowaan is ku shaandheyn iyo kala badal lagu sameyn doono maamulka guud ee Ahlusuna talaabada hadda la qaadayna ay bilow tahay .

Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa ugu dambeyn sheegay in diyaar garow ay u galeen sidii ay u gala wareegi lahaayeen Al shabaab degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dhowaan ayey ahayd markii isku shaandheyn la sameeyey xilkii looga qaaday Taliyihii Ahlusuna ee Gobolka Gedo halkaTaliye Cusubna loo magacaabay, waxaana ay sheegeen in isku shaandheyntaasi ay ka dambeysay sidii loo dar,dar gelin lahaa howlaha ay Ahlusuna ka qabaneyso Gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here